November, 23-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
23-November-2015 Xamar Radio
Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Suuqa Bartamaha ee Magaalada oo ay kulan ku yeesheen Waxgarad iyo Ganacsato ka soo kala Jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa leesku afgartay Xabad Joojin in lawada qaato

sidoo kale Qodobo dhowr ah oo lagu xalinayo Dagaalkii Shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sidoo kale ay kala qorteen xubnihii isugu yimid shirkaasi

Kulanka ayaa laga soo saaray ilaa Saddex Qodob oo Sal u noqonaya Joojinta dagaalka Magaalada Gaalkacyo

Qodobada lagu Heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in Xabadda la joojiyo,in la kala qaado Ciidamada is hor fadhiya ee kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug,in laga wada hadlo waxii bilaabay dagaalka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Shalay Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamo kala taabacsan Labada Maamul,iyadoo Maamulada Galmudug iyo Puntland uu midba midka kale ku Eedeeyay in uu Dagaalka qaaday

2da Maamul ayaa kahor inta uusan qarxin shalay Dagaalkii ku dhexmaray Gaalkacy waxaa jirtay Hanjabaadyo ay hawadda isu marsiinayeey taasi oo ugu dambeentii sababtay Gacan kahadal sababay dhimashadda Dad aan waxbagalabsan
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5888
LATEST NEWS