November, 21-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
21-11-2015 Xamar Radio

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa balan qaaday in ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay ka taagerayaan dhanka agabyada kala duwan ee ciidamada ay u baahan yihiin.

Sharmaake wuxuu sheegay hadii ay yihiin Madaxda Dowladda Federalka Somaliya mar waliba ay muujinayaan tageerada ay la garab taagan yihiin ciidanka.

Wuxuu sheegay si loodhiso mooraalka ciidanka madaxda mar waliba looga baahan yahay inay muujiyaan garab istaaga ciidanka ay u hayaan.

“Waxaan balan qaadayaa waxyaabaha ciidanka ay u baahan yihiin inaan u keeno anigoo ku hadlaya afka Xukuumadda, gaadiidka iyo agabka kale ee ay u baahan yihiin ciidanka.” Ayuu yiri Sharmaake.


Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha Somaliya wuxuu ka sheegay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaasi oo uu kaga qaybgalay munaasabad tababar ciidan loogu xerayay.

Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa isku diyaarinaya qaadista guluf colaadeed oo ka dhan ah Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Fadaraalka Soomaliya.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6023
LATEST NEWS