November, 09-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
09.11.2015 Xamarradio

Maamulka Jubbaland ayaa ku Eedeeyay Ciidamo Taabacsan Barre Aadan Shire Barre Hiiraale oo ku suagn Degaanka Goobweyn oo Duleedka ka ah Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbadda Hoose in ay Dil u geeysteen Nin Oday ah oo ka mid ahaa Dadka Degaankaasi.

Axmed Maxamuud Maxamed Sayid Carab oo ah Afhayeenka Amniga Maamulka Jubbaland oo la hadlay Warbaahintaayaa sheegay in Ciidanka ku sugan Goobweyn ay Dileen Nin Oday ah islamarkaana Kufsi kula Kaceen Labo Hablood oo iyaguna ka mid ah Dadka Goobweyn ku sugan.

Dhanka kale C/rashiid Macalin Gaas oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada ku sugan Goobweyn ee Eedeeynta loo jeediyay ayaa Warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo Raad laheyn.

Ciidamada kala Taabacsan Maamulka Jubbaland iyo Col. Barre Hiiraale ayaa Dhowr jeer ku dagaalamay Qeybo ka mid ah Gobolka Jubbadda Hoose,iyadoo ay ugu danbeysay Dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay Degaanka Goobweyn.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6243
LATEST NEWS