November, 09-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
09.11.2015 XamarradioWaxaa maanta xarunta Golaha Wakiiladda Puntiland ee Garawe ka dhacday doorasho lagu dooranayay GudoomiyahaGolaha Wakiiladda Puntilandi, waxaana doorashada ku tar tamayay ilaa sadax musharax.

Waxaa hoolka ay doorashu ka dhacday soo xaadiray 64-Xildhibaan oo katirsanGolaha Wakiiladdaoo tiradoodu dhan tahay 66-Mudane, kuwaa oo maanta dooranayay Gudoomiyahooda kadib markii uu xilkaasi iska casilay Gudoomiyihii hore eeGolaha Wakiiladda.

Doorashada waxaa ku tartamay Sadax Musharax oo kala ahaa Axmed Cali Xaasi ,Cabdixakiin Maxamed Dhoobo Daareed iyo Saciid cabdi Samatar , waxaana wareegii ugu dambeeyay ee doorashada isugu soo haray Axmed Cali oo wareegii koowaad helay 40-cod iyo Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed oo helay 19-cod.

Codadkii ay dhiibteenGolaha Wakiiladda Puntilandayaa ugu dambeyn waxaan guushu raacday GudoomiyahaGolaha Wakiiladda Puntiland ayaaloo doortay Axmed Cali Xaasi , oo helay codad gaaraya 40-cod halka Cabdixakiin Maxamed Dhoobo Daareed uu isna helay codad gaaraya 22-cod,

Doorashada maanta ka dhacday Magaalada Garawe ee lagu dooranayay GudoomiyahaGolaha Wakiiladda Puntilandayaa aheed mid xamaasad leh oo si wanaagsan u dhacday, waxaana Gudoomiyaha Cusub eeGolaha Wakiiladdauu badali doono Gudoomiyihii hore ee is casilay.

Gudoomiyaha Cusub eeGolaha Wakiiladda PuntilandAxmed Cali Xaashi ayaa horey usoo noqday GudoomiyahaGolaha Wakiiladda PuntilandXiligii Madaxweyne Cadde Musse Waxa uu sidoo kale Xilal Kala duwan Ka soo Qabtay maamulka Puntland.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6155
LATEST NEWS