November, 07-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Dagaalkaan oo u dhexeeya Ciidamada Liyuu Boolis Ee Soomaalida iyo Dad Shacab ah ayaa Saaka ka dhacay degaanka Raaso oo ku yaalla Dhulka Soomaalida ay Itoobiya Maamusho.
Dagaalka ayaa Geystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo soo kala gaaray Dhinacyada ku dagaalamay degaanka Raaso.

Inta la Xaqiijiyay Dagaalka Saaka ayaa waxaa ku Geeriyooday ugu yaraan 18 Qof oo iskugu jira Dhinacyadii halkaa ku dagaalamay.
Dadka Degaanka ayaa noo Xaqiijiyay in 12 kamid ah Dadka halkaa ku dhintay ay yihiin Ciidamadii Liyuu Boolis ee Weerarka soo qaaday sida uu hadalka u dhigay,halka 6 kale ay yihiin Dad Shacab ah.

Ilaa iyo Hadda lama Oga Sababta ka danbeysa Dagalka Saaka ka Qarxay degaanka Raaso ee Dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5873
LATEST NEWS