November, 04-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Kulankii Maanta ay Xilhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka oo ay Goob joog ka ahaayeen 150 Xildhibaan ayaa waxaa lagu aqriyay marayna Aqrintii 2-aad Hindisa sharciyeedka Saxaafadda.
Kulanka waxaa shir gudoominayay Guddoomiye ku xigenka 2aad ee Barlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, Waxaana xoghayaha guddiga warfaafinta ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ka hor aqriyay markii 2aad Hindisa sharciyedka saxaafadda.

Guddoomiyaha guddiga warfafinta Barlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in inta aysan sharciga saxaafadda horkeenin barlamanka latashi lagala sameyay warbahinta madaxa banaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in sharcigaani uu yahay mid baahi weyn uu dalku u qabo meel marintiisa isla markaana muhiim u ah Saxaafada Soomaaliya.

Xeerkan oo ka kooban 42qodob ayaa waxaa ku dhex xusan kuwa xaqsiinaya warbahinta, wariyayaasha iyo qodobo kale oo ay ku muteysan karaan jabintiisa ciqaab sida uu shegay xogheyaha guddiga warfaafinta Yuusuf Maxamed Cali.

Sharcigan ayaa muddo soo jiitamayay iyada oo uu soo bilowday 2007-dii, markaas oo ay wasaaraddii warfaafinta dowladdi uu madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf u soo gudbisay barlamanki KMG ahaa in kastoo uusan ogolaan.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6239
LATEST NEWS