November, 02-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareeyey weerarkii argigixisonimo ee lagu qaaday hotelka Sahafi ee magaalada Xamar ayadoo dhanka kalena uu Guddoonka tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkaasi.

Hor iyo horaan aniga oo ku hadlaya magaceyga,magaca Guddoonka Golaha Shacabka iyo magaca Xildhibaannada Baarlamaanka waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku geeriyooday weerarkii aragigixisonimo ee lagu qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa qoyska uu ka geeriyooday Xildhibaan Abtidoon oo ka mid ahaa mudaneyaasha Baarlamaanka.

Advertisement

Sidoo kalena waxaan tacsi u dirayaa saraakiisha iyo ciidammada Qalaka sida ee Soomaaliyeed waxaan alle uga baryayaa in naxariistiisa jano uu siiyo” – ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa uu Alle uga baryey in intii key dhaawacantay weerarkaasi uu caafimaad deg deg ah siiyo sidoo kalena waxa uu ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iney cadawgooda meel uga soo wada jeestaan.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5889
LATEST NEWS