November, 01-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Qarax Xooggan oo Aroortii hore saakay ka dhacay Magaalada xamar
Qarax xoogan ayaa goor dhoweyd abaarihii 6:45 subaxnimo lala eegtay Hotelka caanka ah ee Saxafi Hotel oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4. Warar kala duwan ayaa illaa iyo hada ka soo baxayaan, iyadoo qaraxa uu ahaa gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo qeyb ka mid ah Hotelka looga dhiftay.

Qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaas, waxaana si dhab ah loo ogeyn in dabley hubeysan ay gudaha u gashay Hotelka iyo in kale.

Xilliga qaraxa dhacayay ayaa aheyd waabarigii hore, saacad kadib markii la dukaday salaada subax, isla markaana dadka Muqdisho badankood isu diyaarinayeen inay kala-haan.

Baabuurta ambalaasta iyo kuwa kale ayaa la maqlayay, waxaana xiran Isgoyska KM4, halkaasoo ciidamo badan la geeyay.

Illaa iyo hada waxaa adag in la helo faah faahin rasmi ah oo ku aadan qaraxa, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5946
LATEST NEWS