September, 29-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Ugu horeyn Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh ayaa hadal dheer ka jeediyay Madasha shirka isaga oo ka hadlay arimaha Amniga , siyaasada iyo weliba Hormarka ay ku Tallaab sanayso soomaaliya .

Madaxweyne xasan sheekh ayaa sheegay in ay jiraan caqabado haysto haysta dawlada federaalka kuwaas oo ku baaqay in loo baahan yahay in laga gacan siiyo dawlada sidii caqabadahaasi looga gudbi lahaa.

Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay Baan kimoon ayaa sheegay in dawlada federaalka ay mudan tahay in lagu Amaano hawlaha ay hayso iyo sida ay kaga gudbeyso caqabadaha horyaala waxana uu ugu dambeyntii uu Tilmaamay in Caalamka looga fadhiyo in taageero buuxda ay siiyaan dawlada Federaalka si ay kaga gudub caqabadaha horyaala soona celiso Xasiloonida dalka

Madax ka kala socotay , caalamka ayaa shirkaas ka qayb gashay , waxana ka mid ah wakiilo ka socday Midowga Afrika , Midowga yurub iyo weliba dawladaha daneeya arimaha Soomaaliya .


COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5946
LATEST NEWS