September, 29-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Munaasabadaan ayaa ahayd mid looga hadlayay ka hortaga Cudurka Raabiyada oo ka dhasha Qaniinyada Eeyga , Dawacada ,Bisada iyo Xayawaanada kale ee Dab joogta loo yaqaano, waxanaa Munaasabada hadalo ka jeediyay Dr Cumar Xabeeb oo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay ka hortaga Cudurka Raabiyada oo loo yaqaano Qaniinyada raagta oo taas oo uu qofka Bani’aadamka ah u dhiman karo.

Dr . Cumar Xabeeb ayaa sheegay in Cudurka Raabiyada ka hortag mooyee uusan daawo lahayn islamarkaana uu ugu baaqay shacabka in ay ka hortag ay sameeyaan

Dadka ka qayb galay munaasabada looga hadlayay ka hortaga Cudurka Raabiyada ayaa socod ku samara Qaybo ka mid ah wadooyinka Magaalada xamar.

Dhinaca kale Dr.C/raxmaan Cali Cawaale oo Dr. Xabeeb loo yaqaano ayaa ka codsaday dawlada federaalka in gaar,ahaan Maamulka gobolka Banaadir in uu bixiyo dhul uu balan qaaday Madaxweynaha Dawlada federaalka xasan sheikh una balan qaaday dhulkaas Dr Craxmaan Cali cawaale Dr. Xabeeb, Dhulkaas ayaa loogu talagay in laga dhiso Isbitaal lagu daaweeynaayo dadka qaba Cudur Dhimirka.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6273
LATEST NEWS