June, 16-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
16 juun 2015

ramadaan,waxaana qof kasta oo muslim ah laga doonaya in uu la yimaado ama uu soomo bisha ramadaan,labada sheekh saxiixoodu waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Cumar bin Al-Khadhaab Allaha ka raalli noqdee, kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:islaamku wuxuu ku taagan yahay ama uu ku dhisan yahay shan tiir,kuwaasoo kala ah:qirashada Allah,macnaha in Allah keligiisa la caabudo iyo in Muxammad uu yahay rasuulkii Allah,oogidda salaadda,sakada oo la bixiyo,xajka oo la aado,qofkii awooda iyo bisha ramadaan oo la soomo.

Dadka Allah ka baqayo waxay soonkoodu u soo dhoweynayaan si wanaagsan oo Allah ka cabsi ah iyagoo aaminsan in ay ka helayaan ajar iyo xasanaat,waxayna marka hore la imaanayaan towbad oo waxay doonayaan in ay soomaan iyagoo aan denbi lahayn wax macsi ahna aysan ku jirin,xumaan iyo xiqdina aysan u qabin walaalahooda,waxayna ka hortagayaan wax kasta oo khilaafsan ama ka hor-imaanaya dhaqangelinta labada shahaaddo ee laa ilaaha illallaahu iyo Muxammaddu rasuulullaahi,iyagoo ka fogaanaya nooc katsa oo shirki ah iyo bidco ah,Allah wuxuu yiri:u degdega denbi dhaafka aad Allah weydiisanaysaan iyo janno ballaciisu yahay ama la mid yahay cirka iyo dhulka loona diyaariyay dadka muttaqiinta ah (suuradda Aali Cimraan,aayad lambar 133), Allah wuxuu kaloo yiri:waxaad dhahdaa addoomadayda ku xadgudbay naftooda,haka quusanina naxariista Rabbi (suuradda Azzumar, aayad lambar 53),wuxuu kaloo Allah yiri:qofkii sameeya xumaan ama dulmiya naftiisa, dabadeedna uu Allah denbi dhaaf weydiisto,wuxuu Rabbi ka heli denbi dhaaf isagoo ah denbi dhaafe naxariiste (suuradda Annisa’,aayad lambar 110).

Towbada iyo denbi dhaafka Allah la weydiisanayno ayaa nagu waajibta in aan soonka ku soo dhoweyno,qof kastana waxaa looga baahan yahay in uu badiyo nooc kastoo khayr ah, laakiinse haddii ay dhacdo in maalintii oo dhanna ay haweenayda jikada ama madbakha ku jirto oo cunto karis uun ku mashquulsan,ninkuna uu iska jiifo,waxaa hoos u dhacaya ajarkii soonka,Allah wuxuu yiri:towbad la imaada dhammaantiin,macnaha xagga Rabbi u noqda kulligiin (suuradda Annuur,aayad lambar 31),saxiixul Bukhaarina waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee kaasoo sheegaya,in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:magacii Allah baan ku dhaartaye,anigu waxaan maalintii Allah denbi dhaaf iyo towbadba weydiistaa in ka badan 70 goor.

Sidii loogu waajibiyay dadkii ka horreeyay muslimiinta,ayaa muslimiintuna loogu waajibiyay in ay soomaan,Allah wuxuu qur'aankiisa kariimka ah ku yiri:kuwii xaqa rumeeyay,macnaha kuwii Allah iyo rasuulkiisa aaminay,waxaa la idinku waajibiyay in aad soontaan sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyay,waxaadna mudan tihiin in aad dhowrsataan oo aad Alle ka baqdaan (suuradda Al-Baqara,aayad lambar 183).

Ramadaan waa bishii khayrka iyo samirka,waa bil la furo dhammaan albaabada jannada lana xiro dhammaan albaabada naarta,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:hadduu ramadaan yimaado waxaa la furaya albaabada jannada,waxaana la xiraya albaabada naarta,shayaadiintuna waa la xirxiri,Ilaahay wuxuu bishan ramadaan uu laballaaba ajarka iyo xasanaatka,labada sheekh saxiixooda waxaa kaloo ku xusan,xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii sooma ramadaanka isagoo ay ka tahay rumayn uu Ilaahay rumeynayo iyo ajar doonis waxaa loo dhaafa wixii denbi ahaa ee uu horay u galay.

Soonku ma'ahan oo keliya in laga soomo cunto,cabbid,galmo inta la sooman yahay iyo hadallada xunxun ku dhawaaqiisa, sida xanta,beenta iyo isku dirka,xataa qofkii ku soo gardarraysta ama afkiisa wax xun kaaga yiraahdo,waa in aad ku tiraahda waan soomanahay, macnaha ma karo in aan ku caayo ama in aan kula dagaallamo soonka daraadii,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:haddii uu qofku sooman yahay, yuusan hadal xun ku hadlin,haddii la caayo ama lala dagaallamo ha yiraahdo waan soomanahay,waan soomanahay,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay Sahal bin Sacad Al-Saacidi Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:jannadu waxay leedahay sideed albaab,waxaana albaabadaasi ka mid ah albaab la yiraahdo Al-Rayyaan,waxaana galaya oo keliya dadka Allah dartii u sooma.

Waxaa dhici karta in qaar naga mid ah aysanba kala furin kow iyo toban (11) bilood kitaabka qur'aanka oo xataa aysanba isku dayin in ay hal jus ka akhriyaan,Allah baana arrintaasi ka magangalnaye,sidaas daraadeed bishan oo ah bishii qur'aanka waa in uu qofku ka faa'idaysto oo uu akhriyo qur'aanka,dabadeedna uu ku caadaysto akhriskiisa kuna camal falo, cajaladaha (cassettes) iyo CDyada heesaha ugu duubana uu ku beddalo qur’aanka iyo axaadiista nebiga sallallaahu caleyhi wasallama, nebigeenuna wuxuu habeen kasta bisha ramadaanka uu la kulmi jiray Jibriil caleyhissalaam,wuxuuna ka baran jiray qur'aanka,asxaabta nebigeenana iyo taabiciintuba waxay bisha ramadaan kordhin jireen qur'aan akhriska,innaguna sidaasoo kale ayaa nalaga doonaya,waana in aan bisha ramadaan mashquul ku noqono qur’aan akhris iyo samayn waxyaabaha khayrka ah.

Waxaa nasiib xumo ah in dadka qaarkii ay ramadaanka ku soo dhoweynayaan daawasho aflaam iyo musalsal tvga ah oo wada xaaraan ah,kuwona waxay ku soo dhoweynayaan cayaar iyo sheekooyin maala yacni ah iyo iyagoo nafta isaga qaadaya wax aan sunnaha rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ka mid ahayn,waxaa iyana la arkaya in dadka qaarkii marka la gaaro bisha ramadaanka ay dhinac iska dhigayaan wax kasta oo howl ah,waxayna waqtiga ku luminayaan hurdo badan iyo cayaar badan,waxaa kuwaasi ka daran kuwo qaarkood oo bisha ramadaan oo keliya tukanaya,marka la afurona oo soonkii laga baxo ay laallaabayaan salaadda,kuwo qaarkoodna waxay isku wadayaan xaaraantii ay ku jireen iyo soonkooda, waxaa ka sii daran kuwo inta ay soomaan bisha oo dhan haddana maalmaha cidda ku afura waxyaabo munkar ah,iyadoo uu shaydaanku u diyaarinayo heeso,cayaaro oo niman iyo naago isla cayaaraya ama daawasho naago qaawan oo heesaya ama cayaaraya.

Fadliga Ramadaan:

-Ramadaan waa bishii la soo dejiyay qur’aanka,shayaadiintuna la xirxiro,waana bil lagu tababarto dhaacada Rabbi,Allah wuxuu aqbalaa ducada qofka sooman,gaar ahaan xilliga afurka.

-Soonku wuxuu u shafeecaa maalinta qiyaame qofka sooman,musnadka imaam Axmed iyo mustadraka Xaakim waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Cabdullaahi bin Camrin Al-Caas Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:soonka iyo qur’aanka waxay addoonka u shafeecayaan maalinta qiyaame,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan ku saxiixay saxiixul jaamic.

-Qofka sooman hadduu riyoodo oo ay shahwo ka timaado soonkiisu wuu jiraa,waayo sida ay culumadu sheegeen ma uusan u qasdin.

-Qofka sooman hadduu mantago,macnaha uu hunqaaco oo uusan isagu iska keenin,soonkiisu waa u jiraa.

-Qofkii dhiig ka yimaada sida dhiig ka soo baxa ama ka yimaada sanka ama dhaawac uga yimaada qasadkiisuna ahayn in uu dhiiggaasi iska keeno,soonkiisu wuu jiraa.

-Qofkii cuna ama cabba isagoo illowsan soonkiisu wuu wadanaya.

-Qofkii safar ku jiro waxaa loo fasaxay in uu afuro.

-Qofka soomayo waa in uu niyaysto ramadaanka,jumhuurka fuqahada waxay qabaan in uu qofku niyaysto maalin kasta, hayeeshe Maalikiyadu waxay iyadu qabtaa in qofku uu niyaysto habeenka ugu horreeya ee ramadaanka isagoo niyaysanayo in uu bisha oo dhan soomayo.

Waxa laga rabo qofka sooman:

-In uu deddejiyo afurka,markuu afurana uu ducaysto.

-Inta uusan salaadda u istaagin waa in uu afka wax geliyo kuna bilaabo timir ama biyo ama wixii uu markaasi heli karo.

-In uu dib u dhigo xilliga suxuurta.

-In uu waqtigiisu inta badan siiyo xuska Allah iyo samayn camal wanaagsan.

-In uu salaadaha dhammaan waqtigeeda ku tukado.

-In uu badiyo werdiga kuna werdiyo gacantiisa midig,gaar ahaan marka la tukado kaddib ee ma'ahan marka ay salaadda dhammaato in durba la istaago oo la cararo,sida ay dad badan sameeyaan.

-In la badiyo qur'aan akhriska iyo axaadiista saxiixda ah ee ka sugnaatay nebiga sallallaahu caleyhi wasallama lagana tegin sunnooyinka salaadda,gaar ahaan kuwa raatibka ah.

-In haddii uu qofku cudur dartii u afursan yahay,yuusan walaalkii oo sooman hortiisa wax ku cunin waxna ku cabbin.

-In uusan u muuqan qof aan waxba qabsan karin oo caajis ah amase in habeenkii uu ku dhafro wax aan macne lahayn ama maalintii uu ninka sariirta iska saarnaado,haweenayduna in ay waqtigeeda ku lumiso madbakha ama jikada ama in ay waqtigeeda ku lumiso daawasho musalsal iyo filimo aan macne lahayn.

Waxyaabaha buriya soonka:

-Cunto iyo cabbid oo caloosha gaaro si kastaba haku gaaree ama afka hakaga soo gaaro ama sanka hakaga soo gaaro ama xididdada hakaga soo gaare.

-Maalin caddeey ah oo ay ninka iyo naagtu isku galmoodaan iyagoo sooman,culumaduna waxay isku raaceen in dadkaasi laga doonayo in ay soonkoodu gudaan,denbi dhaafna Allah weydiistaan,lana yimaadaan kafaaro gud oo ah:xorrayn addoon ama soomid labo bilood oo isku xigta ama quudin lixdan miskiin.

-Haddii uu qofku iska keeno mantag ama uu hunqaaco

-Dadka aan soomi karin waxaa ka mid ah,haweenayda la kulanto dhiigga caadada ama loo yaqaano xaydka,xataa iyadoo sooman oo caadada la kulanto,afurkiina ka haray daqiiqado yar wey afuraysa weyna gudaysa,sida la ogsoon yahayna gabadhu haddii ay caadada la kulanto waxaa korkeeda saaran oo laga rabaa salaad,hayeeshe marka ay caadada qabto tukan mayso soomina mayso,hayeeshe markii ay caadada ka dhaqato soonkii wey gudaysa salaadduse gudi meyso.

-Haweenayda haddii ay uur leedahay ama ay ilmaha naaska nuujinayso,soonkuna uu dhib uga imaanayo nafsaddeeda,wey afuraysa gadaal ayayna ka gudaysa,sidoo kale haddii ay uga baqayso ilmaha,jumhuurku waxay qabaan in ay maalin kasta hal miskiin ah quudiso isla markaana guddo maalmihii ay afurtay,laakiin qaar ahlu cilmiga ka tirsan waxay qabaan in looga baahan yahay in ay soonka guddo oo keliya,iyadoo aan laga doonayn wax kafaaro ah.

-Qof da’ ah oo aan soomi karin,waxay culumadu ku fatwoodeen in qofka noocaas oo kale ahi uu afurayo,lagamana rabo in uu gudo,hayeeshe uu maalin kasta quudinayo hal miskiin ah, Allah wuxuu yiri:dadka dhib ku ah soonka waa in ay miskiin quudiyaan (suuradda Al-Baqara, aayad lambar 184).

-Qofka jirran,waxaana jirrada loo qaybiyay labo qaybood,mid waa:isagoo jirran ayaa bishii ku soo gashay,ama wuxuuba jirraday isagoo sooman,qofka noocan ahi wuu afuraya,hadduu bugsoodana waa laga rabaa in uu gudo maalmihii uu afuray, xaaladda kalena waa qofka oo aan jirradiisa daawo lahayn,mana ahan in qofkaasi uu soon isku dhibo,waxaase laga rabaa in uu maalin kasta hal qof oo miskiin ah uu quudiyo,lagaman rabo in uu gudo,sidoo kale qofka musaafurka ah, isaguna lagama doonayo in uu soomo,hayeeshe haddii uu ku soo laabto meeshii uu degganaa waxaa laga doonaya in uu gudo maalmihii uu afuray.

Maalmaha aan la soomi karin:

-Labada maalmood ee ciidaha ah oo kala ah:ciidda soonfur iyo ciidda arrafo,labadaasi maalmoodna waa labo maalmood oo ciid ah,mana ahan in la soomo labadaasi maalmood, ciidna waa marka la soo gaboggabeeyo xajka,ciidna waa marka la soo afjaro soonka.

-Saddexda maalmood ee lagu magacaabo "Al-Tashriiqa",waana maalmo farax ah weeyaan, nebigeena sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu yiri:maalmahaasi waa maalmo cunid iyo cabbid ah,waxaana xadiiskan soo weriyay Nabiisha Al-Hadaliyi, waxaana sunnooyinkooda ku soo saareen Tirmidi,Nasaa’i iyo abu Daawuud,Albaanina wuxuu ku saxiixay saxiixul jaamic

-Maalmaha ay haweenaydu qabto dhiigga caadada ama xaydka loo yaqaano,maalmahaasina waxaa haweenka loo fasaxay in ay wax cunaan waxna cabbaan,hayeeshe marka uu ka istaago dhiigga caadada waxaa laga doonayaa in ay gudaan maalmihii ay afursanaayeen.

-Maalinta shakiga oo ah maalinta ugu danbeysa ee bisha Shacbaan.

-Maalinta jimcaha oo si gooni ah loo soomo,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama la weydiiyay soonka maalinta jimcaha, nebigu wuu reebay in la soomo maalinta jimcaha ah.

-Maalinta arrafo oo aan soomaynin dadka ku sugan Carafaatka,iyagoo loo diidayo in ay ku dhibtoodaan soonka maalintaasi.

-Soonka sannadka,waa kalifaad weyn,qofna looma fasaxin in uu sannadka oo dhan soomo, balse wuu yeeli karaa sida soonkii nebi Daawuud calayhissalaam,maalina uu soomo,maalina uu afuro.

Allahayow,adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu siia,cadaabta naartana naga fogeey, soonkeena iyo salaadeenana aqbal ka dhig……………………Aamiin
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5812
LATEST NEWS