June, 12-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Jun 12, 2015

Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo dhawaan la wareegay Degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Gabi ahaanba iskaga baxay Degaankaasi oo dhawaan laga qabsaday Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga ay Gadoodeen oo ay Faarujiyeen Saldhigyadii ay ka joogeen Magaalada Tooratooroow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Warbaahinta Xamar ayaa si kulul uga hadlay Bixitaanka Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay iskaga baxeen Degaanka Tooratoorow oo dhawaan laga saaray Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga aysan Mushaar la’aan uga bixin Degaanka balse Siyaasad ay ka danbeyso bixitaan kooda.

“Ciidamada iyaga oo Xareysan ayaa waxaa u yimid Taliye ka tirsan Ciidamada Xoogga oo lagu Magacaabo Axmed Aadan isaga ayaa Amray in ay ka baxaan Degaanka Tooratoorow”ayuu yiri Siidii.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa tilmamay in Qorshahaasi uu dhabar jab ku yahay Dagaalka lagula jiro Al-shabab oo ay ku farxayaan sida uu yiri Shabaab,


Dhankale Guddoomiyaha Degaanka Tooratoorow Goobow Buule Xasan ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada ay ka Baxeen Fariisimahoodii oo ay Sababta u Maleenayaan in ay Gadoodeen kadib Mushaar la’aan haysta Bilahaan danbe.

Degaanka Tooratoorow oo Ciidamada AMISOM ay sheegeen in uu ahaa Fariisinka Ajaanibta Al-shabaab ayaa laga Cabsi qabaa in ay Al-shabaab ku soo laaban doonaan,iyadoo Ciidamada AMISOM ay dagan yihiin Duleedka Magaalada.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Mudooyinkaan ka cabanaya Mushaar la’aan haysta oo aan la siin Mudo dhowr bilood ku siman.



COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6164
LATEST NEWS