June, 02-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
June 02 2015

Wasiirka arimaha dibada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/salaam Hadliye Cumar oo dalka Kuweait uga soo qeyb galay shirka wasiirada arimaha dibada ee dalalka jira ururka Iskaashiga Islaamka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaaladda Xamar kuy soo dhoweeyay qaarka mid ah howlwadeenada wasaarada arimaha dibada Soomaaliyeed.

Mudane C/salaan Hadliye Cumar wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo qeyb warbaahinta ee garoonka kula hadlayay saxaafadda ayaa ka hadlay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay shrkii wasiiarada arimaha dibada ee dalalka ururka iskaashiga islaamka ee uu uga soo qeyb galay dalka Kuwiat.

“Shirka qaasatan oo ka dhacay dalka Kuwait aduunkii oo dhanbaa argagaxisada la dagaalamaya waxaan ku faraxasnahay inaan idin sheego inaan nahay dowlada keliya ee maanta oran karta dowladaha la dagaalamaya oo dhan amba Wanaka badinay ,amba wana jebinay ,amba waanka saarnay wadankeyga intiisa badneyd nimanka xagjirka ah”.

“Waxaan kaloo rabaa inaan idin sheego in arintaan la isku wada raacay oo dowladaha muslimka ah oo dhan ay wada yiraahdeen Soomaaliya wax halala qabto ,wax qabashadaas waxaa ka mid ah ciidamada oo la xoojiyo, waxaa ka mid ah maalgashiga aan idin sheegayay ,waxaa ka mid ah in dhinaca siyaasada laga taageero,waxaa ka mid ah in dhinaca dhaqaalaha laga taageero,waxaana muhiim ah oo u baahan in laga taageero in ay isku wada raaceen in dowlada Soomaaliya waxa la siinayo aan cid kale loogu dhiibin lalana xisaabtamo’’. ayuu yiri wasiir Hadliye.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa dalka Kuwait uga soo qeyb galay shirkii wasiirada arimaha dibada ee dalalka ku jira ururka Iskaashiga Islaamka oo 27 ilaa 28,dii ka socday magaaladda caasimada u ah dalka Kuwait ee magaalada Kuwait.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6164
LATEST NEWS