May, 26-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidammada qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga ka sii deysay dhoor sargaal oo katirsanaa Ciidanka Dowlada, kuwaa oo xirnaa ku lug lahaanshaha Qarax lagu weeraray Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiishan oo dhoor bilood xabsiga ku xirnaa ayaa loo heestay in ay wax ka maleegeen Weerar is qarxin ah oo lagu qaaday Hotelka SYL ee ku dhaw Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya xli ay hoteelkaasi ku sugnaayeen Masuuliyiin Turki ah oo qaban qaabinayay booqashadii Madaxweynaha Turkiga ku yimid Muqdisho.

Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidammada qalabka sida ayaa sheegay in Maxkamada markii ay dhageesatay dacwadaha loo heestay 7-sargaal oo katirsan Ciidanka Dowlada ay ku weysay dambiyadii loo soo xiray.

Saraakiisha Dambiga lagu waayay lana sii daayay ayaa kala ah

1. G/sare Bol. Maxamed Ismaaciil Cali.
2. G/sare Bol. Cali Axmed Cabdi.
3. Dhamme Bol. Bashiir Yuusuf Fooleey.
4. L/X/le Bol. Cabdifitaax Aadan Axmed.
5. A.le Bol. 17086 Salaad Cabdullaahi Sh Cali.
6. D/le Bol. 20897 Cabdikamaal Xuseen Cabdi.
7. D/le Bol. 20860 Maxamed Cali Xasan.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale dib u dhigtay dacwadaha iyana loo heesto afar sargaal oo katirsan Ciidanka Dowlada kuwaa oo iyana loo xiray in ay wax ka ogaayeen Weerarkii Hotelka SYL .

Saraakiisha Dacwadooda dib loo dhigay ayaa kala ah

1. G/le dhexe Maxamed Daahir Cabdulle
2. L/x/le Mahad Cabdi Cumar
3. X/le Xasan Daahir Maxamed
4. K/S Axmedkhadar Maxamed Xasan.

Saraakiishan ayaa in mudo ah ku jiray xabsiga Dowlada ee Magaalada Muqdisho, waxaa ku socday baaritaano dheer oo la xariiray Weerarkii lagu qaaday Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho , waxaana weerarkaasi masuuliyadiisa sheegtay Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6273
LATEST NEWS