May, 26-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Wasiiradan maanta kormeerka ugu tagay dadka ka soo qaxay dagaalada ka dhacaya dalka Yemen ee isagu jira Soomaalida iyo Yemen oo ku jira xero ku taala degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka,wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha,wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Soomaaliya iyo wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha waxaana ay wasiiradu u kuurgalayeen xaalada dadkaasi ku noolyihiin.

Wasiirada ayaa waxaa ay ku soo wareegeeen qololka dhismaha ay degan yihiin dadkan ayagoona la kulmay dadkaasi oo isugu jira haween iyo caruur waxaana dadkan ka muuqatay xaalad adag oo dhanka nolosha ah, dadka ayaa codsaday in lala soo gaaro gargaar oo ay ugu horeyso helitaan cuno,caafimaad iyo dhismaha ay degan yihiin ay ka cabsi qabaan in uu ku soo dumo maadaama uu yahay dhisme waqti dheer jirey.

Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Soomaaliya mudane Cusmaan Maxamed Cabdi {Cismaan-daallo} ayaa ka hadlay kormeerka wasiirada iyo waxa uu la xiriiray.
Wasiirka wasaarada Haween iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday in wada jir ay uga qayb qaataan gurmad loo sameeyo dadka masaakiinta ah ee soo qaxaya isla markaana dowladda ay doorkeeda qaadaneyso.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6165
LATEST NEWS