May, 03-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa oo ay garbihiisa fadhiyaan Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaas ayaa waxa uu uga hadlay halka uu marayo dhismaha guddiyada doorashooyinka iyo xaduudaha dalka oo Wasaaradu dhawaanahaanba dadaal ugu jirtay sidii ay u dhisi lahayd.

Wasiirka ayaa shirkiisa jaraa’id ka hor waxaa uu kulan la qaatay guddi dhawaan Wasaaraddu u xil saartay sidii ay u soo kala saari lahaayeen xubno badan oo araajidooda ay ku doonayaan in ay xubno uga noqdaan guddiyadaas Wasaaradda u soo gudbisay, waxaana uu uga mahadceliyay Wasiirku guddigaas howsha ay soo qabteen.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in guddigaasi uu Wasaaradda ku soo celiyay liiska 27 qof oo ay ka soo xuleen 350 xubnood dad ka badan Wasaaraduna ay u gudbineyso golaha Wasiirada ka dibna ay usii gudbin doonaan Baarlamaanka.

Xamarradio.com
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5987
LATEST NEWS