April, 23-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhibaatada dalka Koonfur Afrika loogu geysanayo dadka soo galootiga ah ee dalkaasi ku dhaqan oo ay Soomaalidu ku jirto, iyagoona ugu baaqay Soomaalida ku nool dalkaasi in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo.

Xildhibaan C/samad Maxamuud oo xubin ka ah Ururka Baarlamaanka Africa ayaa si aad ah u cambaareeyay dhibaatada lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo Dowladda Soomaaliyeed ugu baaqay in dadkaasi ay bad baadiyaan, waxaana dhinaca kale uu sheegay in ay ka hadli doonaan Shirka ururka Baarlamaanka Africa ayna hordhigi doonaan Dhibaatada lagu hayo Dadka ku nool ee u dhashay Qaaradda Africa.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa isna wax laga xumaado ku tilmaamay Dhibaatada Dadka Soomaaliyeed ee Ku Nool Dalka Koonfur Africa xili uu sheegay in Soomaaliya ay ka qeyb qaadatay helida xornimadooda oo halgan dheer ay u gashay.

Maalmihii la soo dhaafay Ayaa dadka u dhashay dalka Koonfur Africa waxa ay dhibaato ku hayeen dadka soo galootiga ah ee u dhashay Qaaradani Africa taasi oo caqabad ku noqotay dadkaasi, iyadoo madaxda Qaaradana ay si aad ah u cambaareeyeen falalkaasi ka baxsan bini’aadanimada.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6164
LATEST NEWS