April, 20-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Duqa Beledweyne Cumar Aadan Deeqow [Cumar Baadi-yoow] ayaa HOL faahfaahin ka siiyay biyo-xireen loo sameynayo qaybaha uu wabiga dhex-mara Baladweyne fatahaadaha ka sameeyo, iyadoo durbaba qeyb ka mid ah biyo-xireenka la dhisay.

Waxaa uu sheegay in mashruucan uu yahay mid ay iska kaashanayaan maamulka degmada iyo Hiil Walaal [Jabuuti], waxaana uu intaa raaciyay in loogu-tagalay ama ujeedada laga leeyahay tahay oo kaliya in looga hortago fatahaada wabiga uu ku sameeyo xaafaddaha magaalada, kaa oo sababa barakaca kumanaan qoysas ah.

Cumar Baadiyoow ayaa u mahad-celiyay dowladda Jabuuti oo sida uu sheegay in marka laga soo tago howlaha nabad ilaalinta siddoo kale qeyb-weyn ka qaadata arrimaha sama-falka iyo dib-u-dhiska goobaha danta guud.

Waxaa kaloo uu sheegay in la guda-gallay xiligii roobka sidda daraadeed ka maamul ahaan ku howlan yihiin sidda ay wax badan uga qaban lahaayeen arrimaha la xiriira fatahaada uu inta badan sameeyo wabiga Shabeelle.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6164
LATEST NEWS