April, 15-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Xaruntooda Villa Hargeysa ayaa lagu go’aamiyay in kalfadhigii 6aad ee Baarlamaanka oo lagu waday inuu furmo 20-ka bishan waxaa dib loogu dhigay ilaa 27-ka bishan April.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan oo shir gudoominayay kulankan Guddiyada Joogtada ayaa waxaa loogu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka ee dalka maqan inay dalka yimaadaan, si ay kulanka uga qeyb galaan.

Kuxigeenka Xoghayaha Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka Maxamed C/llaahi Ciyow ayaa saxaafada u faah faahiyay waxyaabihii kulanka ka soo baxay, isagoo tilmaamay in kulankan diiradda lagu saaray waxyaabaha hor-yaala kalfadhiga lixaad.

Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka ayaa marka uu furmo waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka hor-yaala ajandayaal fara badan.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6200
LATEST NEWS