April, 09-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Degmada Dharkeenley ayna ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir iyo qeybaha bulshada ayaa waxaa maanta si buuxda xilka maamulka degmadaasi ula wareegay Gudoomiyaha Cusub ee dhowaan la magacaabay Cumar Meyre Macow

Gudoomiyihii hore Degmada Dharkeenley Aadan Maxamed Cumar oo ka hadlay Munaasabadda Xil wareejinta ayaa xusay in mudadii uu xilka uu hayay ay u qabsoomeen waxyaabo badan oo la xiriira Hormarinta Degmada, kuwaasoo ay ka mid yihiin Deriseynta iyo Is dhexgalka Bulshada,

Gudoomiyaha cusub ee degmada Dharkeenley Cumar Meyre Mocow ayaa ku amaanay waxqabadkii iyo howlihii uu soo qabtay Guddoonkii ka horeeyay, waxaana uu balan qaaday inuu meesha ka sii wadi doono howlihii la soo qabtay.

Ugu dambeyn Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir oo goob joog ka ahaa xil wareejinta ayaa gaba gabadii khudbad uu ka jeediyay waxaa uu u mahad celiyay Gudoomiyihii hore ee degmadaas iyo shaqada uu qabtay, waxaana uu kula dar daarmay Gudoomiyaha cusub inuu la yimaado karti iyo hufnaan.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5987
LATEST NEWS