April, 08-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu furmayo 20-ka bishan April, kadib markii la soo gaba gabeeyey diyaarinta qorshayaasha Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u go’aamiyay furitaanka Kalfadhiga 6aad ay noqoto 20-ka bishan April oo ku beegan Maalinimo Isniin.

Ugu dambeyntii Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Buux ayaa tilmaamay in ka hor munaasabadda furitaanka Kalfadhiga ay sidoo kale guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka ay yeelan doonaan 15-ka bishan kulan la xiriira qorshayaasha kulamada ugu horeeya ee Baarlamaanka.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6273
LATEST NEWS