April, 07-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiyeyaasha degmooyinka Hodan iyo Dharkeenley xil ka qaadis lagu sameeyay, kadib wareegto ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa.

Sida ay sheegayaan wararka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa soo jeediyay xil ka qaadista Gudoomiyeyaashan, iyo magacaabista labada Gudoomiye cusub.

Sidoo kale Gudoomiyihii degmada Dharkeenley Aadan Maxamed Cumar ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu bedelay Cumar Meyre Mocow.

Xilka qaadistan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee lagu sameeyo Gudoomiyeyaal degmo, tan iyo markii sanadkii hore is bedelkii ugu ballaarnaa lagu sameeyay Gudoomiyeyaashii degmooyinka ee mudada xilka hayay..

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6075
LATEST NEWS