April, 01-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo arrimo caafimaad u joogay dalka Turkiga ayaa ka baxay Isbitaalkii uu ku jiray, kadib markii 20-kii bishii Febraayo uu ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa kulan kula qaatay magaalada Ankara Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Numan Kurtulus, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Maxamed Cumar Carte, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo dadweyne kale ayaa ku dukanayay salaadii jimcaha masaajid ku yaal Hotelka gudihiisa, xilligii ay qaraxyo ka dhacayeen gudaha Hotelka, waxaana weerarkaas ku dhintay in ka badan 30-ruux oo isugu jiray Xildhibaano, Mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo dad shacab ahaa.

Xamarradio.com
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5933
LATEST NEWS