April, 01-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxauud ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Nigeria Muhammadu Buhari, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada dalkaas ee Sabtidii la soo dhaafay dhacday.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu hambalyeeyay shacabka Nigeria doorashada taariikhiga aheyd ee ka dhacday dalkaas, isla markaana shacabka Nigeria iyo Soomaaliya ay wadaagaan waxyaabo badan

Soomaaliya ayaa la filayaa in sanadka 2016 ay doorasho ka dhacaan, waana ay labada dal wadaagaan astaamo kala duwan, oo xaga dhaqanka, qabiilka, dagaalada kooxaha islaamiyiinta, inkastoo Nigeria uu yahay dalka ugu dadka badan Afrika uguna dhaqaalaha badan.

Xamarradio.com


COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6239
LATEST NEWS