March, 28-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Dowlada Soomaaliya ayaa goordhaw Gudaha Hotelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Xamar waxa ay kusoo bandhigtay Meydadka sadax kamid ah ragii shalay galab weeraray Hotelkaasi kuwaa ay toogteen Ciidamada Dowlada.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye oo shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay gudaha Hotelka ayaa sheegay in raga weerarka soo qaaday ay gaarayeen ilaa lix nin kuwaa uu sheegay in dhamaantood la dilay.

Hoteelka Maka Al-Mukarama ayaa waxaa ka muuqday bur bur xoogan oo kasoo gaaray Weerarkii shalay Al-Shabaab ku galeen, waxaana gudaha Hoteelka daadsanaa dhiiga dad badan oo ku dhintay gudaha Hoteelka.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6194
LATEST NEWS