March, 25-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/salaam Hadliye ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheekh Abdullah bin Zayed al Nahyan, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa danjiraha Somalia u fadhiya Imaaraadka, C/qaadir Al-Hatimi.


Labada wasiir ayaa kulankooda kaga hadlay xoojinta xiriirka labada waddan ka dhexeeya, isla markaasna ay sheegeen in labada dal uu cilaaqaad walaaltinimo ah oo fog oo taariikh leh uu ka dhaxeeyo.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in labada dal ay ka wada-shaqeeyaan arrimaha amniga, burcad-badeeda iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu dhiirri-gelin lahaa fursadaha ganacsiga.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka ayaa uga mahadceliyey dowladda Imaaraadka gurmadka qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii Central Hotel oo weli UAE lagu daweynayo.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6075
LATEST NEWS