March, 19-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Golaha wasiiradda Somalia ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay kasoo saareen go’aan wadajir ah oo lagu dhisayo guddiga ka shaqeyn doona isku-dhafka ciidamada Qaranka Somalia.

Wasiiirka Amniga Gudaha Somalia oo furay shirka ayaa sheegay inay dadaallo badan oo lagu sugayo amniga ay ka sameeyeen M/Xamar iyo gobollada dalka qaarkood, iyadoo ay iska kaashadeen howlgalkan sida uu sheegay ciidamada dowlada Somalia iyo AMISOM.

Wasiirka ayaa sheegay in guddigu uu dib u eegis ku samaynayo qandaraas-yadii horay loo galay kuwaasoo qaarkood la ogaaday inaan la dhamaystirin, dood dheer kaddib golaha ayaa si KMG ah u ansixiyey inuu shaqeeyo gudiga maamulka hagida maaliyada, inta laga ansixinayo hindise sharciyeedka iibka Qaranka oo horyaalla baarlamaanka.

Dhanka kale; wasiir-u-dowlaha wasaarada gaashaandhigga ayaa golaha uga warbixyay halka uu marayo qorsha isku dhafka ciidamada xoogga Somalia oo horay loo go’aamiyay in la isku-dhafo.

Ugu dambeyn Soo jeedinta wasiirka marka goluhu uu dood ka yeeshay ayaa la ansixiyey dhismaha gudiga isku dhafka ciidamda Qaranka in laga soo xulo dhammaan gobollada dalka si loo helo ciidan Qaran.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5945
LATEST NEWS