March, 19-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Shiradda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa soo bandhigtay adeeg cusub oo loogu magac daray "ILA-WADAAG", kaas oo caalamka oo dhan laga isticmaalo.

Adeeggan ILA WADAAG ayaa ah adeeg macaamiisha usuurta gelinaya marka uu ka dhamaado Kaarka ku hadalka in uu wican karo eheladiisa iyo sidoo kale asxaabtiisa, isagoo la wadaagaya qofka uu wacay kaarka ugu jira marka uu ogolaansho ka helo.

HABKA FURASHADA IYO ISTICMAALKA ADEEGGA ILA-WADAAG

Markaad furanayso adeeggan waa lacag la'aan iyadoo macmiilku garaacaya *111# kadibna waxa uu dooranayaa Lambar 1 Marka aad rabto inaad la wadaagto Qof kale kaarka ugu jira waxaad garaaceysaa 11161XXXXXXX marka uu qabtana waxaa lagu wargelinayaa in qofka ku soo wacaaya uu rabo in uu la wadaago kaarkiisa ku hadalka, iyadoo system-ku uu usheegi doono in uu kala doorto “Haddii aad ogoshahay riix1 haddii aadan ogoleyna riix 2”

Adeeggan ayaa waxaa ka faa’iideysan kara macaamiisha isticmaasha gabi ahaan kaararka prepaid-ka ee shirka Hormuud Telecom.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6164
LATEST NEWS