March, 18-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
RW Soomaaliya, Cumar oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar, Mudane Abdullah bin Nasser waxa ayna labada Ra’iisul Wasaare ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dheer ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa isla afgartay sidii loo xoojin lahaa dadaalada kala duwan ee dawladdu ay ugu jirto dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen in Qatar ay gacan ka gaysato Xasiloonida Siyaasadeed, Kobcinta Ganacsiga Soomaaliya, Adeegyada Bulshada, Maalgashiga iyo taageerada Hay’adaha Dawladda Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku kala saxiixday magaalada Doha labo heshiis oo wax ka tari doona Waxbarashada iyo Duulista Hawada iyadoo ay Soomaaliya heshiisyadaasi u saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye iyo Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali. Dawladda Qatar waxaa heshiiskaasi u saxiixay Wasiirka Waxbarshada, MudaneMohammed Abdul Wahed Al Hammadi iyo Wasiirka Gaadiidka, Mudane Jassim Saif Ahmed Al Sulaiti.

Xamarradio.com


COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6023
LATEST NEWS