March, 17-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
In ka badan shan ruux ayaa saaka ku geeriyootay tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu shil gaari ka dhacay duleedka magaalada Xamar.

Shilkan ayaa ka dambeeyay markii ay isku dhaceen labo gaari oo kala ahaa gaari kuwa dadweynaha ee loo yaqaano Hoomey iyo gaari kuwa xamuulka ee Soomaalida u taqaan N13.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dhimashada ay ka badan tahay shan ruux, iyadoo gaariga laga soo saaray dad meyd ahaa oo lafahooda bur buray, sidoo kale dhaawacyo aad u daran ayaa loola cararay Isbitaalka Madiina.

Shilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Lafoole, waana meel inta badan shilalka ka dhacaan.



COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6023
LATEST NEWS