March, 15-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid ayaa maanta furay kulan ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada kaas oo socon doona muddo laba maalin ah, waxaana looga hadlayaa qorshaha mudnaanta koowaad u leh xukuumadda ee 100-ka maalmood soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in u jeedka laga leeyahay kulankaan ay tahay dar-dar galinta iyo isku xirka howlaha xukuumadda iyo in la xaqiijiyo adeegyada ay xukuumadu gaarsiinayso shacabka kuwooda ugu muhiimsan, sida nabada ku soo dabaalida dalka, dib u heshiisiinta, adeegyada asaasiga u ah bulshada, dhamaystirka maamul-u-samaynta gobollada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu garwaaqsan yahay iney jiraan caqabado dhanka dhaqaalaha iyo duruufo adag oo lagu shaqaynayo, isla markaan ay xukuumadda ka go’an tahay wax qabad iyo in laga soo baxo fulinta qorshaha boqolka maalmood, una soo gudbino shacabka wax qabad la taaban karo.

Ugu danbayntii Ra’iusl Wasaaraha ayaa xusay in howlaha ugu waaweyn ee lagu gaari karo xaqiijinta higsiga cusub ay ugu horeeyaan adkaynta amniga, dhamaystirka dowlad goboleedyada, dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, iyo dhisida gudiyada ay baarlamaanku ansixyeen sida gudiga doorashooyinka.

Xamarradio.com


COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5947
LATEST NEWS