March, 13-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Tababar soconayey laba maalmood oo ku saabsanaa Maamulka iyo Maareynta Shaqaalaha Goobaha Waxbarashada ayaa lagu soo gaba-gabeeyey Magaaladda Kismaayo, Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya muddada kala ah 11-12 Maarso 2015. Ujeedada tababarkaasi wuxuu ahaa sidii sare loogu qaadi heerka aqoonta iyo xirfadda Bahda waxbarashada ku howlan.

Tababarkaasi waxaa ka qeyb galey 25 ruux oo ka kala socotey guddiga deegaanka waxbarashada, guddoonka waxbarashada ee Gobolka, maamulayaasha iyo macalimiinta wax ka dhigta dugsiga hoose, dhexe, iyo sare, qaar ka mid ah jaamacaddaha, iyo bulshada rayidka.

Maalinta 1aad waxaa la daraaseeyey xiriirka ka dhexeeya waxbarashada iyo horumarka; waxyaabaha saldhig u ah qorsheynta hanaanka waxbarashada, iyo qaabka shaqaaleeynta macalimiinta ama Shaqaalaha kale. Halka maalinta 2aad la daraaseeyey sida loo dhiso loona hago gudiyadda dugsiga sida Gudiga Waxbarashada Deegaanka ama Gudiga Waalidka iyo Macalimiinta; sida loo maamulo xarumaha waxbarashada iyo macalimiintooda; iyo di-u-eegista muqararka.

Waxaa halkaasi ka hadley wasiir ku-xigeenka Arimaha Bulshada ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Cabduqadir Cali. Wasiir-ku-Xigeenka wuxuu tilmaamey muhiimada ay leedahay tababarka noocaan oo kale ah iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wacyiga dadka dhanka tayadda waxbarashada. “Waa muhiim in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya waalidka iyo macalinka si loo gaaro hadafka sare-u-qaadista iyo iskaashiga wadashaqeyn ee ka dhaxeeysa labadooda” ayuu raaciyey hadalkiisa.

Mowduucyada laga hadley waxaa ka mid ahaa waxyaabaha saldhigga u ah hanaanka waxbarashada sida in la helo kaabayaasha waxbarashada oo dhameystiran si loo xaqiijiyo shanta tiir ee waxbarashada ku taagan tahay sida macalin, arday, manhaj, qalab, iyo goobta waxbarashada oo amni ah.

Tababarkani waxaa ka soo qeyb-galey oo dhiiri-geliyey wasaaradda waxbarashada ee maamulka Jubbaland ee Kismaayo. Waxaana hirgeliyey ururka wadaniga ah ee U-Dooda Waxbarasho Loo Dhan Yahay (Education For All Somalia – EFASOM) oo u taagan sidii loo xaqiijin lahaa in dadka soomaalida helaan waxbarasho tayo leh oo loo dhan.


COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6244
LATEST NEWS