March, 12-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maanta booqday xarunta cusub ee Baarlamanka Djibouti ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka dalka Djibouti Mudane, Maxamed Cali Xumad iyo qaar ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka isagoo kala hadlay xiriirka labada dawladood ee walaalaha ah iyo gaar ahaan wada shaqaynta xoogan ee ka dhaxaysa labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Djibouti.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee dalka Djibouti,Mudane Maxamed Cali Xumad xilka loo magacaabay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in uu uga tacsiyaynayo Dawladda iyo Shacabka Djibouti geeridii ku timid Allaha u naxariisteeMarxuum Idriss Arnaoud Ali,Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka dalka Djibouti.

“Farxad ayay ii tahay maanta in aan soo booqdo dhismaha cusub ee Baarlamanka dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay. Waxaa jira guddiyo baarlamaan oo ka tirsan labada dal, kuwaasi oo si xoogan uga shaqeeya in wada-shaqayn buuxda ay yeeshaan mudanayaasha baarlamanka isla markaana ay is-dhaafsadaan aqoonta iyo khibrado loogu adeegayo shacabka labada dal.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5818
LATEST NEWS