March, 11-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Qarax xoogan ayaa goor dhow oo caawa fiidkii ah ka dhacay agagaarka Wadada Maka Al-mukarama, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxan.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxan ayaa ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana wali adag in la helo faah faahin rasmi ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu ka dhacay dhabarka dambe ee Hotelka Maka Al-Mukarama ee degmada Hodan.

Ciidamada ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen, dabadeedna uu ruux gaariga ka degay, kana cararay, iyadoo markaas kadib uu qaraxu dhacay.

Wadada uu qaraxu ka dhacay waa wado jid cade ah oo marta dhabarka dambe ee Hotelka Maka Al-Mukarama, iyadoo qaraxu uu aad ugu dhowaa garaash ku dhow Hotelka.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5989
LATEST NEWS