March, 11-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
RW Soomaaliya, Mudane Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Djibouti, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Mudane Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha dalka Djibouti.

Wafdiga Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaan hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiiru-dawlaha Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dalka Djibouti taageerada joogtada ah ee mar walba ay la garab taagan tahay Soomaaliya iyo ciidamada Djibouti ee AMISOM oo gacan muuqata ka gaysta sugidda amniga dalka Soomaaliya.

Waxaan uga mahadcelinayaa dawladda Djibouti taageerada kala duwan ee Soomaaliya ay u fidisay oo sugidda amnigu ay qayb ka tahay iyo sida ay xilli kasta diyaarka ugu tahay in ay gacan buuxda ka gaysato xasilooni buuxda oo ka dhalata Soomaaliya iyo dhismaha haya’adaha dawladda. Waxaana Djibouti ay gacan ka gaysan doontaa sidii aan ku gaari lahayn hiigsiga 2016-ka.”

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu joogo Djibouti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda kale ee dalka isla markaana waxaa uu booqan doonaa dakadda Djibouti iyo goobo kale oo muhiim ah.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6244
LATEST NEWS