March, 08-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu magaalada Xamar kaga qeyb galay Munaasabada Maalinta caalamiga ee Haweenka, iyadoo munaasabadan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka ka qeyb galay Dumarka ka tirsan ciidanka qalabka sida.

Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in sanadkan 2015 ay ka shaqeynayaan horumarinta haweenka, iyadoo xustay in haweenka ay door muuqda ka qaataan dib u heshiisiinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad dheer uu ka jeediyay Munaasabada ayaa waxaa uu sheegay xooga saarayaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen caqabadaha ka hortaqaan xuquuqda haweenka in laga doodo, isagoo hambalyo u diray Haweenka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusey doorka haweenka ay ka qaadan karaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

“Dib u heshiisiinta, horumarka siyaasadda, amniga iyo xasiloonida waxay waxtar yeelan karaan amaba lagu horumarin karaa oo keliya marka gabdhaheena, kuwa inala dhashey, xaasaskeena iyo hooyooyinka la xishmeeyo, laga qeybgeliyo, lana dhegeysto,iyadoo xuquuqdoodana la dhowrayo sida sharcigu dhigayo.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha ka hadlay waxqabadka dowladda, Hiigsiga 2016, dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6242
LATEST NEWS