March, 08-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto shirka dib u heshiisiinta ka socda Dhuusa Mareeb.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu gaaro degmada Guriceel, halkaasoo Ciidamo ka tirsan Ahlusuna ay gacanta ku hayaan, wararka qaar ayaa sheegaya inay socdaan kulamo ku aadan sidii Ahlusuna ugu soo biiri laheyd dib u heshiisiinta Dhuusa Mareeb.

Si kastaba ha ahaatee dhismaha maamulka Gobolada dhexe ayaa waxaa mudooyinkii u dambeeyay ku imaanayay dib u dhacyo la xiriiray khilaaf iyo dagaalo soo noq-noqonayay oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6075
LATEST NEWS