March, 03-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa si rasmi ah magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga furmay aqoon kororsi la xiriira habraaca ugu fudud ee loo mari karo wax ka bedelka iyo dib u eegista had iyo jeer lagu sameeyo Xeer Hoosaadka Golaha.

Munaasabad kooban oo lagu furayey aqoon kororsigan waxaa ka qeybgalay Guddoonka iyo Xubnaha Guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanadda ee Baarlamaanka, Xildhibaanno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda tababarkan taaba gelineysa ee AWEPA.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa la filayaa in uu soo xero tababarkan oo qeyb ka ah tababarro dhowr ah oo guddiyada Golaha Shacabka ku qaadan doonaan dalka dibaddiisa inta lagu jiro fasaxa caadiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6273
LATEST NEWS