March, 02-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Wafdiga Somaliland u matalaya wada hadalada Istanbul ayaa mar kale diiday inay hor fariistaan xubno ka mid ah wafdiga dowladda Soomaaliya, iyadoo dadaalo tan iyo xalay ay wadeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Turkiga oo ku saabsanaa sidii xal loogu heli lahaa caqabada taagan ay guuldareysteen.

Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya dhinacooda in aan la aqbali karin shuruuda Wafdiga Somaliland, waxaana ay ku andacoonayaan in mar hore ay aheyd in Somaliland u soo gudbiyaan dooda ay ka qabaan xubnaha wafdiga ka hor inta aan Istanbul la imaan.

Wada hadalada Istanbul oo ku qorsheysnaa saddex maalmood ayaa hadii aan xal laga gaarin inuu furmo waxaa dhici doonta in wada hadalada ay bur buraan, taasoo noqon doonta markii u horeysay ee labada dhinac, iyagoo aanay shir u soo wada fariisan inay ku kala tagaan.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6164
LATEST NEWS