February, 28-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Waxaa maalinta berri ah shaqadoodii dib u bilaabaya Xawaaladaha Somaliyeed ee wadanka Maraykanka. Oo dhawaan xirmay

Inta badan xawaaladaha ayaa xirmay kaddib markii bangiga lacagaha u xawili jiray uu xiray xisaabaadkoodii Lixdii Bishan February.

Kulan ay shalay isugu yimaadeen jaaliyadda Soomaalida, masuuliyiin Mareeykan ah ayaa dhowr jeer looga hadlay sidii loo furi lahaa Xawaaladaha Soomaalida gaar ahaan akoonaddii ay ku lahaayeen Bankiga Merchants.

Xiritaanka xawilaadaha Soomaalida ee Mareykanka ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay noolasha Soomaali badan oo ku nool gudaha dalka, kaddib markii ay waayeen lacagihii ay ehelkooda ka heli jireen.

Dad badan oo Soomaliyeed ayaa arinkaan u arkaya tillaabo hurudhac ah oo sababi karta in gabi ahaan ba la ogolaado in si buuxda loo ogolaado lacagaha Sooomaaliya loo soo diro.

Bankigii ugu dambeeyay ee Xawaaladaha Soomaalida Xisaabaadkooda uga furnaayeen ayaa dhawaan xiray xisaabaha xawaaladda Soomaalida ay ku laheyd sababo laxiriira shaki ku saabsan in ay lacagaha ay helaan waxa loogu yeero argagixisadda.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6273
LATEST NEWS