February, 26-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Guriceel inay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka, si nabad loo gaari.

Xiisad ayaa wali ka taagan degmada Guriceel, halkaasoo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Xoogaga Ahlusuna Wal-jameeca.

Ciidamada dowladda iyo Ahlusuna Wal-jameeca ayaa ku loolamaya gacan ku heynta Guriceel, iyadoo degmada ay maalmihii u dambeeyay ka barakaceen dadkii ku noolaa, iyagoo u cararay daafaha magaalada iyo deegaanada ku dhow dhow.

Guddiga waan waanta u jooga Guriceel ayaa ilaa iyo hadda ku guuleysan inay xabad joojin kala dhex dhigaan labada dhinac ee dagaalamaya.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6273
LATEST NEWS