February, 26-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Iyadoo maanta lagu waday in magaalada Istanbul uu ka furmo wada hadaladii u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa dib loo dhigay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa sheegay in wada hadalada ay bilaaban doonaan maalinta axada ee soo socda ee ku beegan 1-da Maarso.

Labada dhinac ayaa horay u yeeshay dhowr wareeg oo wada hadal ahaa, waxaana ugu dambeeyay wada hadalkiiMadaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland ku dhex maray Jabuuti.

Wada hadalada oo soo bilowday sanadkii 2012 ayaa waxay labada dhinac kala gaareen dhowr heshiis oo aanay wali si dhab ah u fulin.

Waxyaabaha labada dhinac lagu eedeynayo ayaa waxaa ka mid ah in aanay wali gudaha u gelin arrimaha masiiriga ah ee ka dhaxeeya, sida Midnimada.

Heshiiskii u dambeeyay ee bishii December ee sanadkii hore ay ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti ayaa qodob ka mid ah dhigayay in hoos ugu daa-dagaan arrimaha masiiriga ka dhaxeeya.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6239
LATEST NEWS