February, 22-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ay gaareen magaalada Beledwyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo dhaweyn aad u sareysay loogu sameeyay garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne

Soo dhaweynta labada Madaxweyne loogu sameyeeyay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya oo halkaasi horey ugu sugnaa, maamulka gobolka, saraakiisha Ciidanka AMISOM iyo boqolaal dadweyne oo ku nool magaalada Beledweyne .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowaladaha Soomaaliya iyo Jabuuti uu ka dhaxeeyo xiriir walaaltinimo oo aad u qodo dheer isagoo tilmaamay in xukuumadda Jabuuti ay ka go’an tahay taageerada ay siinayaan shacabka walaalahooda ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu si aad ah ugu xun yahay dagaal Beeleedyada ku soo laa laabtay gobolka Hiiraan isagoo balan qaaday in dowladda Jabuuti ay ka qeyb qaadan doonto heshiisiinta Beelaha ku dagaalamaya deegaanada ka tirsan gobolka Hiiraan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan uu ku adkeeyay in ay u guntadaan sidii heshiis buuxa u dhex dhigi lahaayeen Beelaha ku dagaalamaya qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

14

15

16

18

17

19

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6164
LATEST NEWS