February, 20-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ah ee maanta duhurkii lagu qaaday Hotel Central ee magaalada Xamar, halkaasoo masaajid ku yaal ay salaadii jimcaha ku dukanayeen mas’uuliyiin iyo shacab intaba.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarkani aanu dib u dhac ku keeni Karin hawlaha dowladda iyo dadaalka nabada lagu sugayo, isla markaana la sii wadi doono dagaalka lagula jiro Al Shabab.

Qaraxan ayaa dadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo dhaawac fudud soo gaaray, sidoo kale waxaa ku jiray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Jaamac Jengeli.

Ilaa 10-ruux ayaa ku dhintay weerarkan oo ay ku jiraan dadka dhintay Gudoomiye kuxigeenkii Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caana Geel), Xildhibaan Cumar Furdug, Gudoomiye kuxigeenkii Xisbiga Daljir C/shakuur Mire Aadan iyo dad kale,

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6242
LATEST NEWS