February, 20-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Warar horu dhac ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Hotelka Central ee degmada Xamarweyne iyadoo qaraxyadan ay dhaceen xilli lagu jiray salaadii jimcaha.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa hore oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay albaabka hotelka Central oo ku dhow agagaarka Taalada Xaawo Taako.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in ruux waxyaabaha qarxa soo xirtay oo gudaha u soo galay hotelka uu isku dhex qarxiyay Masaajid ku dhex yaalay Hotelka Central, halkaasoo ay ku dukanayen wasiiro, xidlhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Ilaa sideed ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa, iyadoo wali aanay kala cadeyn, hase ahaatee dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli, Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in gaari qarxay uu gudaha Hotelka soo galay, balse wararkan ayaa ah kuwo wali soo xoogeysanaya, iyadoo wali howl galka ka socdo Hotelka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dadka masaajidka ku dukanayay uu ku jiray Ra’iisul wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte Qaalib, kaasoo la sheegayo in isna dhaawac uu soo gaaray.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6194
LATEST NEWS