February, 18-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka ayaa xilligaan kusoo kordhaya degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan, xilli xaalado kale oo dhanka nolosha ah ay ka jiraan degmadaasi.

Ibraahim Madoobe Nuur oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee degmada Jalalaqsi ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta VOD Radio Xamar ku sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa ay kasii darayso xaaladda qoysaska barakacyaasha ah ee ku nool degmadaasi.

Waxa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka in degmada Jalalaqsi ay soo gaareen dad badan oo kasoo barakacay abaar ka jirto deegaano hoostaga degmadaasi, taasina ay tahay caqabadda ugu daran.

Dad badan ayuu sheegay in uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka, islamarkaana aan lahayn wax lagu daaweeyo dadkaasi, degmadana aanu lahayn xarumo caafimaad oo wax looga qabto.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6036
LATEST NEWS