February, 15-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Labo markab oo ganacsi ah iyo markab ay saaran yihiin ciidmada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa u dhaqaaqay inay soo badbaadiyaan tahriibayaal gaaraya 600 kuwaasoo soo direy fariimo deg-deg ah oo ay ku codsadeen in la badbaadiyo.

Dadaalkan lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo dadkan tahriibayaasha ah ayaa noqonaysa tii labaad labo maalmood gudahood, iyadoo toddobaad ka hor iyadoo toddobaadkii horena lagu waayay xeebaha dalka Talyaaniga dad gaaraya 300 oo ruux.

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in ay maraakiibtooda badbaadada ay ogaadeen in lix doon ay dul sabeynayaan meel u jirta xeebaha Libya 50 mile kadib markii ay heleen codsiyo gargaar oo la soo mariyay taleefanada ku satellitka.

Markabka la yiraahdo Peluso ayaa la sheegay in howlgalkan badbaadinta ah uu ka qeybqaadanayo maalin kadib markii dad gaaraya 700 oo ruux laga soo badbaadiyay dooman si xaddhaaf ah loo soo buuxiyay.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6194
LATEST NEWS