February, 15-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Munaasabada 55- Sano Guuradii ka soo wareegatay Markii la aas aasay Ciidanka Cirka Soomaaliya oo qeyb ka ah Ciidanka Xooga Dalka ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Xerada Afisiyooni ee magaalada Xamar.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Cirka ayaa waxaa ay Munaasabada ku soo bandhigeen Gaada ka ciyaar Qurux badan, iyadoo Ciidanka baambeyda Xooga Dalka ay qayb ka ahaayeen Munaasabada Mas’uuliyiinta ayaana Salaan ka qaatay Ciidanka.

Gaba gabada munaasabadda ayaa waxaa hadal ka jeediyay Wasiirka cusub ee xilka la wareegaya Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini oo u hambalyeeyay ciidamada ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay horumarka ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka Cirka uu ku tilaabsaday, isagoo sheegay in ciidanka uusan aheyn laba sano ka hor sidii uu ahaa.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6279
LATEST NEWS