February, 13-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayuu ka hadlay Arimo dhowr ah oo la xiriira Siyaasada Soomaaliya.

Mudane Jawaari ayaa waxaa ugu horeyn daaha ka qaaday arin bulshadu ay wax iska weydiinayeen oo ah in doorasho ay dalka ka dhacdo marka la gaaro Sanada 2016 ka sida qorshuhu yahay waxaana uu ku simaha Madaxweynuhu sheegay in doorashadu ay dhici doonto waqtigii loogu talo galay aysana dhici doonin in dowladda hadda jirta waqti dheeraad ah loogu daro sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashadu aysan noqo doonin in Odayal dhaqameed ay soo xulaan Madaxda iyo Baarlamaanka.

Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa Xusay in Baarlamaanka Federaalka ah uu guda gali doono marka uu furmo kalfadhiga Lixad sharciga Axsaabta siyaasada isla markaana dalka laga hirgali doono axsaab siyaasadeed bisha Marso marka la gaaro waxaana uu gudoomiyuhu ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay in Axsaab siyasadeed la hirgaliyo.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6273
LATEST NEWS