February, 11-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka uu ku howl geli doono Guddiga doorashooyinka madaxa banaan.

Hindise sharciyeedkan oo marxalado kala duwan soo maray, isla markaana Xildhibaanadu ay si adag uga doodeen ayaa ugu dambeyn maanta cod gacan taag ah lagu ansixiyay.

Kulankan oo ay soo xaadireen 144 mudane ayaa waxaa ogolaatay 113 xildhibaan, halka 21 xildhibaan diiday, waxaana ka aamusay 10-xildhibaan, sidaasna uu Gudoonka ku tilmaamay in sharcigan ansax yahay.

Soomaaliya ayaa la rajeynayaa inay sanadka 2016 ka dhacdo doorasho xor ah, waxaana aad u daneynaya Beesha Caalamka, balse waxaa jira caqabado badan oo ku hor-gudban oo ay ugu weyn tahay ammaanka.

Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka ayaa maanta la soo xiray, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka ay galeen fasax, inkastoo bishii hore ay aheyd in Baarlamaanka fasax galo, balse dib ugu dhacay ansixin la’aantii Xukuumadda.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6242
LATEST NEWS